iyadoo saacado ka hor uu baraha bulshada kasoo muuqday taliayaha ciidanka badda gen.cabdixamiid maxamed dirir oo eedeyn kulul ujeedinaya raiisul wasaare rooble ayaa eedeyntaas waxba kama jiraan ku tilmamay bashiir gooble oo ka mid ah xubnaha golaha wasiirada xukuumada rooble
Bashiir goobe ayaa si caro uga hadlay wararka sheegaya in raiisul wasaare rooble iyo xulafadiisu ay boobayaan dhulka ciidanka badda soomaaliyeed
waxaana uu tilmaamay in dhulka la sheegayo uusan aheyn mid ay si rasmi ah u leeyihiin ciidamada badda
taliye Bashiir gooble ayaa waxa uu intaasi ku daray in wax laga xumaado ay tahay in taliye ciidan uu baraha bulshada ka eedeeyo madaxda qaranka
waxaana uu sheegay in loo baahanyahay intalaabooyinka nuucaas ah laga fiirsado
hadalka taliyaha ayaa waxa uu imaanayaa xili dhul dhismo haatan uu kusocdo la sheegay in ay leeyihiin ciidamada badda lagu eedeeyay in ay boobayaan raiisul wasaraha iyo wasiirka amniga xukuumaada soomaaliya
waxaana xubnaha taageersan xukuumada ay shegeen in eedaasi ay tahay been abuur iyaga oo ku tilmamay in ay yihiin dadka wararkaasi faafinaya kuwa ay vila soomaaliya dabada kasoo riixayso.

