Maamulka Gobolka Banaadir Oo Howlgalo Burburin ah Ka Fuliyay Muqdisho

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa howlgalo culus oo burburin ah ka fuliyay qeybo ka mid ah xaafadaha ku yaal degmada kaaraan ee gobolkani banadir

Howlgal oo lagu burburinayay dhismooyinka sharci darada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka ka fulisay  Degmada Kaaran, iyadoo howlgalkaasi uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Bur-burintaan ayaa laga fuliyay inta u dhaxeysa Isgoyska jiirada illaa Xaawa Casir, iyadoo uu noqon doono mid sii socda si loo fuliyo amarka Duqa magaalada Muqdisho ee ku aadan in aan marnaba la aqbali doonin goobaha sida sharci darrada loo dhistay hareeraha waddooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Salax Xasan cumar oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qeyb ka tahay bilic soo celinta Caasimadda, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’antahay joogteynta bur burinta dhismayaasha sharci darrada ah.

dhowr jeer oo hore sidaan oo maamulka gobolka banaadir ayaa u burburiyay goob si sharci dar ah looga dhisay waddooytinka caasimada

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here