Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay la wareegeen deegaan ku dhow magaalada Dhuusamareeb ee caasiamada Maamulka Galmudug.
al-shabaab aya sheeegta in gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhusamareeb ay kula wareegeen dagaal la,aan.
Wararka Al-Shabaab ay ku baahiyaan dhinaca barahooda interneetka ah waxa ay ku sheegteen in xubno ka tirsan ay gubeen saldhigga ciidanka Booliska,xarunta maamulka iyo saldhig ay ku sunaayeen ciidamada maamulka ‘Galmudug.
al-shabaab ayaa warkooda ku sheegay Ciidamada maamulka ‘Galmudug’ ay isku dayeen in ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Ceeldheere ee laga qabsaday balse ay sheegeen in ay iska difaaceen.
wali marjirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka galmudug oo looga hadlayo sheegashada al-shabaab ee la wareegida
maalmo ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale alshabaab sheegteen in ay la wareegeen gacanku heynta degmada matabaan

