Maleeshiyaad Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Galgaduud

0

Warar aan ka helayno Gobolka Galgaduud  ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay saqdii dhexe qof Shacab ah lagu dilay Deegaan ku yaal miyiga Degmada Caabud Waaq ee Gobolkaasi Galgaduud.

maleeshiya Beeleed Hubeysan ayaa la sheegay in xalay nin xooladhaqata ah oo magacaabo junuune ay ku dileen deegaan kuyaala miyiga Degmada Caabud Waaq

Waxaana la sheegay in dilka kadib maleeshiyaadkii dilka geystay ay goobta iskaga baxsadeen  iyadoona wararku qaar ay sheegyaan in dilkaan uu la xariiro aanooyin qabiil iyo dilal horay uga dhacay Gobolka Galgaduud.

Majirto wax war ah oo walu kasoo baxay laamaha amniga dowlad goboledka Galmudug oo looga hadlayo dilkaani

Inta badan maleeshiyaad hubeysan oo Hab Beeleed u abaabulan ay dilal ka  geysta Deegaanada Gobolka Galgaduud iyadoona falalakaasi ay soo noqnoqdeen islamarkaasna aysan jirin wax taalaabo ah oo ay Dowladda ama Maamulka Galmudug uu u qaaday wax ka qabashada Arimahaasi loogu daadinayo Dhiiga Dadka shacabka ah

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here