Wararka aan ka helayno gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xanuun halis ah iyo cuduro fara badan ay ka dilaaceen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe
xanuunadaan ayaa waxa la sheegay in ay ka dhasheen biyaha roobabkii mahiiganka ahaa ka da,ay dalka iyo biyo bax uu sameeyay wabiga shabeele
maamulka xaafada hanti wadaag oo ka mid ah goobaha cudurada lagu arkay ayaa waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan xaafada ay wajahayaan xaalado adag kadib markii ay haleeleen cudur halis ah oo qaar koodu uu sheegay in ay garan waayeen wax lagu tilmaamo
guddoomiyaha xaafada hanti wadaag cusmaan gaab oo la hadlay idaaacada simba ayaa wax uu faahfaahin ka bixiyay xanuunda la sheegay in ay ka dilaaceen deegaanada ka tirsan degmada jowhar
waxaana uu sheegay in xaafada qaar ee degmada jowhar ay dadku la ildaranyihiin xanuuno badan oo ay ka mid yihiin hargab aan nuuciisa la garanayn shubanbiyood iyo xanuuno kale oo ka dhashay daadadka roobab iyo fatahaada wabiga
guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in haatan dadku ay la daaladhacayaan dhibaatooyinka iyo cudurada halista ah ee ka dilaacay xaafadaha qaar ee magaalada jowhar
Dhankale guddoomiayaha xaafada hanti wadaag oo sii hadlayay ayaa fariin baaq ah udiray wasaaradaha gargaarka ee dowlad goboleedka hirshabeele iyo dowladda faderaalka ah oo uu ugu baaqay in ay caawinaad lasoo gaaraan dad shacabka ah la dhibaatoonaya cudurada
Roobab xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da,ayay dalka ayaa biyadhigay deegaano badan oo ka tirsan gobolada dalka iyadoona ay biyahaasi sababeen in ay qoysaska danyarta ah lasoo darsaan xunuuno badan.

