Magaaladda Baydhabo oo Maanta Lagu Doortay Laba Xildhibaan

0

Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa manta lagu doortay laba Xubnood oo kamid noqon doona Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha manta lagu doortay Baydhabo waxaa kamid ah Aamina Maxamed Mursal oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#213 halka sidoo kale Salaad Maxamed Nuur (Aliyow) uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP#180.

Xildhibaan Salaad Maxamed Nuur (Aliyow) ayaa helay codad gaaraya (87) halka musharixii la tartamay uu helay (9), waxaana xumaatay 4 cod.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here