Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao, waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo.

Intii lagu guda jiray kulanka , waxaa looga hadlay sare u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo dardargelinta dhinac weliba si loo gaaro danaha guud iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee taabanayay danaha guud ee labada dal.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah Dowladda hormaray ee Saaxiibka Dhaw la ah Soomaaliya

Waxaana ay Dhowr jeer Mashaaric hormarineed ka Fuliyeen Qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyagoona balan qaaday in ay kordhinayaan Wada Shaqeynta kala dhaceysa Soomaaliya oo Ka mid ah Wadamada Soo Koraya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here