Doorashada Kuraas Kamid Gobolada Waqooyi Oo Maanta Ka Dhaceysa Muqdisho

0

Xarunta General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho Waxa maanata Ka Dhaceysa Doorashada Shan kursi oo ka Mid ah kuraasta Aqalka Hoose ay ku leeyihiin Xubnaha Gobolada Waqooyi

Guddiga Doorashooyinka Golaha Waqooyi ayaa Horay ushaaciyay in maanata ay doorashadu dhaceyso islamarkaasna aysan wax isqabqabsi ama khilaaf ah oo ka dhexjira Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Waxaana Guddigu uu sheegay in dhamaan Musharixiinta tartameysa la Gudoonsiiyay Shahaadada cadeynaysa in ay  buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa islamarkaasna ay si toos ah Doorashada iyo Khudbad jeedinta ay dhaceyso maanta oo talaado

Ugu dambeyntii Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ayaa  Rajawanaagsan ka muujiyay Doorashada

Waxaana ay sheegeen in ay rajeynayaan in si qurux badan oo wanaagsan ay doorashadu ugu dhacdo

Ciidamada Dowladda ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala xerada tabarka Ciidamada ee generaal kaahiye oo maanta ay ka dhaceyso Doorashada 5 Kursi oo ka mid ah Gobolada Waqooyi

Waxa la arkayaa Dad oo Lugeynaya maadaama ay Ciidamada Dowladda Xireen Qaar badan Oo Ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa iyagu bilaababay Doorashada Aqalka Hoose

Waxaana haatan markale la filayaa In ay doortaana maanta xubno Cusub oo kusoo baxaya Kuraasta Golaha Shacabka ay ku leeyihiin xubnaha Gobolada waqooyi Ee Soomaaliland

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here