Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in nuuciisu uu ahaa miinada dhulka lagu aaso oo lala Bartilmaameedsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Goob ay ku qaxweynayeen.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu si gaar ah uga Dhacay Fariisimo ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Xaafada Xaawa taako ee Degmada Afgooye.
Khasaaro isku dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxani uu ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay Hal ayaa dhintay halka laba ruux oo kalena ay ku dhaawacmen qaraxaan ka dhacay Degmada Afgooye
Dadka ku dhaawacmay qaraxaan ayaa waxa loo la cararay isbitaal ku yaal Degmada Afgooye gaar ahaana isbitaal ku yaal Meel aan ka Fogeyn Halka Uu qaraxu ka dhacay
Wali laamaha Amniga Dowladda iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Beed kama aysan Hadlin qaraxaan khasaaraha Dhaliyay
Majiro wali cid sheegatay masuuliyada qaraxaan balse dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weeraro nuucaani oo kale ah oo qaraxyo ah la beegsada inta badan Fariisimaha Ciidamada Dowladda

