Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxa ay dagniin culus udireen musharaxiinta xil doonka ah ee ku tartamaya Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo si dardar leh dalka uga socota
Waxaana guddigu uu sheegay in aan la aqbaleyn wixii haatan ka dambeeyay in qof musharax uu isqario ama wajiga uu wax ku xirto sababo jira awgood.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka, Mahadsanidiin.
Warkaan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa uu imaanayaa xili saacadihii lasoo dhaafay la arkayay musharaxiin dhowr ah oo ku tartamaya doorashada golaha Shacabka oo wajiga Maro ku xiranaya
Taasi oo walaac xoogan laga muujiyay islamarkaasna la sheegay in ay doorashada ka dhigeyso mid uu madmadow ku jiro ama ku shubasho
Si gaar ah waxa uu hadalkani imaanaya xili isqabqabsi badan uu ka dhashay kursigii ugu horeyay golaha shacabka oo uu kusoo baxaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mahadi Maxamed guuleed qadar xili musharaxii la tartamayay oo Gabar aheyd wajiga uu u duubnaa

