Kooxo Hubeysan Oo Goorfhaw Dil Ka Geystay Muqdisho

0

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa waxa lagu soo waramayaa in Goordhaw ay askari ka titsanaa Ciidamada Dowladda ay ku dileen Wadadda Warsharshada ee Magaalada Muqdisho

Dilka ayaa waxa ay dad goobjoogayaal ah sheegeen in goobta ay iskaga baxsadeen Ragii Falkaasi Geysaytay

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Askarigaan la dilay uu sigaar ah uga tirsanaa ciidanka ilaalada waddooyinka ee taraafikada

Majirto cid ilaa iyo hada sheegtay mas’uuliyadda dilkaan

Sidookale laamaha amniga dowladdu dhankoodu kama hadal dilka arskarigaan inkastoo lasoo warinayo Ciidamo ka tirsan dowladda ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay islamarkaasna ay isku gadaameen

Muddoyinkii dambe waxa magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka ay geeysanayaan rag hubeysan oo aan heybtooda la garanayn

Waxaana dilkaan uu kusoo aadayaa xili shalay rag hubeysan ay haweyn ka tirsanayd ciidanka dowladda ku toogteen hoogeeda oo ku yaal agagaarka isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here