Kadib howlgalo dhowr maalmood soconayay oo ay sameeyeen Ciidamada daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaad dad shacab ah ku dilay deegaanka dhagaxtuur ee dhaca Gobolka Galgaduud
Saraakiil senataro iyo wasiirka ka tirsan Galmudug ayaa hogaaminayay howlgalkaan oo in muddo ah lagu baadigoobayay Ragaan maleeshiyaadka ah ee dilka ka geeystay deegaanka dhagaxtuur
Saraakiisha ciidamada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 7 qof kuwaasi oo loo heysto dil ay ka Geysteen deegaanka iyagoona intaasi ku daray in shaqsiyaad kale oo dbiilayaal ah ay ku daba joogan kuwaasi oo deegaanka dilku ka dhacay inta uu howlgalku socday ka baxsaday
Sidookale Howlgalkaan oo muddo 8 bari ah socday ayaa waxa ay Ciidamada amaanku kusoo qabteen walidiinta rag dilkaan qeyb ka ahaa oo baxsaday
Waxaana dadkaan lasoo qabtay haatan ay ku xiranyihiin xabsiyada waaweyn ee kuyaal magaalada Dhuusa-Mareeb
Howlgalkaan muddada qaatay ayaana haatan lagu soo gabagabeeyay Deegaanka dhagtuur ee koonfurta gobolka Galgaduud

