Faahfaahino Dil Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar naga soo gaaraya Degmada dharkeenley ee Gobolkani Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dileen gudaha Degmadaasi

Rag Bastoolado ku hubeysan oo aan hebtooda la garanayn ayaa waxa la sheegay in askari ka mid ah ciidanka can shuuraha in ay ku toogteen gudaha xaafada daba kaaya madow ee Degmada dharkiinleey

Dilka kadib ragii dilkaasi ka dambeeyay ayaa la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen

Iyadoona wararku ay sheegayaan in qorihii askari in ay horay uga sii qaateen

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray halka uu dilku ka dhacay

Waxaana la sheegay in halkaasi ay ka bilaabeen howlgalo iyo baaritaano ay ku baadigoobayaan rag ka dambeeyay dilka askatigaani ka tirsan Ciidamada Dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here