Ciidanka Nabad Sugida Dowladda Oo Howlgalo Ka Fuliyay Gobolka Gedo

0

Ciidamada Nabad sugida qaranka ayaa waxa ay xalay Howgalo qorsheysan ka fuliyeen xafaada qaar degmada badxaawo ee gobolka gedo

Howlgaladaan ayaa ujeedkooda lagu sheegay in uu ahaa xaqiijinta amaanka

Waxaana hogaaminayay taliyaha Ciidanka nabad sugida qaranka qeybta Gobolka Gedo Cabdifitaax Cumar

Intii uu howlgalku socday ayaa waxa la sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen dad u badnaa dhalinyaro kuwaasi oo la sheegay in loo shakiyay in ay wadaa  falal amni xumo

Waxaana la sheegay in dhaliyaradaasi qaarkood lasii daayay halka kuwa kalana la sheegay in baaritaano dheeri ah lagu sameynayo

Deegaanada gobolka gedo gaar ahaan magaalada garbahaarey ayaa isku diyaarinaysa doorashada gobolaha shacab ah oo dhawaan dalka ka bilaabatay

Waxaana Ciidamada Dowladda ee kusugan gobolka gedo ay wadeen howlgallo isdaba joog ah oo amniga lagu xaqiijinayo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here