Wiil dhalinyaro Soomaali ah oo loo shakiyay Dilka Xildhibaan ka tirsanaa Barlamaanka UK ayaa waxa lagu xiray Magaalada London Ee Cariga Ingiriiska
Xildhibaan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray David Amess
Waxaana la sheegay in deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea uu ka waday kulan is arag ah oo uu la yeelanayo dadka soo doortay balse si lama filaan ah ayaa waxa uu qof goobjooge ah sheegay in Wiiilka Soomaaliyeed ee laga shakisanyahay in uu ula soo baxay midi islamarkaasna uu dhowr jeer saableyda ka galaayay xildhibaanka
Waxaana la sheegay in xildhibaanku uu dhaawacmay markii dambana uu u geeriyooday dhaawacaasi.
Booliska Magaalada London ayaa la sheegay in haatan ay wadaan baaritaano lagu sameynayo wiilka la tuhunsanyahay ee asal ahaan kasoo jeeda soomaaliya
Xildhbaan Amess oo ahaa 69 jir ayaa ka tirsanaa xisbiga talada UK haya ee Conservative.
Wuxuu baarlamaanka UK ku biiray sanadkii 1983 wuxuuna ahaa rug cadaa dhanka siyaasada oo caan ka ahaa dalka UK

