Ciidamada Dowladda Oo Dhaqdhaqaayo Ka Wada Duleedka D/Guriceel

0

Warar aan ka helayno Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saaka Ciidamada Dowladda Faderaalka Ah ay Dhaqdhaqaayo xoogan ka wadaan Duleedka Magaalada Guriceel Ee Gobolkaasi

Ciidamadaan ayaa waxa la sheegay in ay kasoo baxeen dhufeysyo ay ku lahaayeen Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug

Waxaana wararku ay sheegayaan in ciidanku ay ku wajahan yihiin Magaalada Guriceel oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Ahlusuna

Arintaan ayaa timid kadib markii lagu guuldareystay wada hadalo odayaasha Dhaqanka Guriceel ay Ahlusuna uga saarayeen Magaalada
Waxaana wixii intaasi ka dambeeyay xaalad cabsi oo ku aadan in dagaal udhexeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Ahlusuna Uu ka qarxo Halkaasi

Dadka deegaanka oo in yar oo kamid ah ay ku hareen Magaalada ayaa waxa sheegayaan in xaalad kacsanan ah ay jirto mar walbana laga cabsi qabo in dagaal dhaco

Kooxda Ahlusuna Oo soo Laba kaclaysay ayaa waxa ay sheegeen in marnaba aysan ka bixi doonin Magaalada Guriceel ayna isdifaacayaan hadii lasoo weeraro

Maalmihii lasoo dhaafay ayay si aad ah Cabsidani utaagnayd Waxaa Dhaqdhaqaayo iska soo horjeeda ay kasoconayeen Deegaanada hoosyimada Magaalooyinka Guri-ceel iyo Dhuusa-Mareeb

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here