Warar ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii lasoo dhaafay ciidanka xooga dalka ay Howlgalo balaaran ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Buulo-burte ee gobolka hiiraan
Howlgadaan ayaa waxa lagu soo qabqabtay dad dhalinyaro ubadnaa kuwaasi oo la tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin dagaalamasha Al-Shabaab
Taliyaha saldhiga ciidanka degmada Buulo-burte Cabdi Ilmuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay Howlgalada ka dhacay degmada Buulo-burte iyo deegaanada ku teetsan
Waxaana uu sheegay in howlgalka ay siwada jir ah u fuliyeen qeybaha kala duwan ee Ciidamada xooga dalka islamarkaasna howlgalka ujeedkiisu uu ahaa xaqiijinta amaanka degmada
Taliyaha dadka shacabka ah ee ku dhaqan Buulo-burte ka dalbaday in ay kala dhaqeyaan ciidanka sugida amaanka
Howlgaladaan ayaa waxa ay imaanayaan xili falal amni xumo oo weeraro ah ay muddoyinkii dambe ka dhacayeen Degmada Buulo-burte Ee Gobolka Hiiraan

