Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug Oo Gaaray Deegaan Ay Ka Baxeen Ciidanka Ahlusuna

0

Wararka aan ka helayno Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Federaalka ka ah iyo kuwa Galmudug ay gaareen Deegaanka ceeldheere oo ay maalmahaan abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ka wadeen Ciidamada Ahlusuna

Wararkaa intaasi ku daraya in ciidanka ahlusuna ay iskaga baxeen deegaanka

<span;>Waxaana la sheegay in deegaanka Ceeldheere ay gacan ku heystiisa la wareegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug islamarkaasna ay fariisimo ka sameeysteen

Ciidamadaan ayaa waxa ay haatan wadaan dhaqdhaqaayo ciidan iyo howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo

Warar hoose oo ay simba heshay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay Wadaan Dhaqdhaqaayo Dhan ah ururka ahlusuna kaasi oo ay ugu ruqaansanayaan Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan ahlusuna kadib markii ay dhawaan la wareegeen

Ilo deegaanka ah ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xiisad dagaalka ay taagan tahay marwalbana laga cabsi qab in dagaal udhexeya Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug Oo dhinac ah iyo Ciidamada

Kooxda ahlusuna oo dib usoo laba kacleysay ayaa waxa ay muddoyinkii dambe Dhaqdhaqaayo ka dhanka ah maamulka galmudug ka wadeen Deegaano dhaca gobolka Galgaduud iyagoona ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan alshabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here