Kenya Oo Maraakiib Nuuca Dagaalka Ah keentay Badda Soomaaliya

0

Dowladda kenya ayaa waxa la sheegay in saacadii lasoo dhaafay ay maraakiib dagaal kasoo buuxisay halka lagu muransayahay ee biyaha Soomaaliya

Xildhibaan zakariye maxamuud xaaji  Cabdi oo kamid ah barlamaanka 10 ee waqtigiisu dhamaaday oo la hadlay simba ayaa waxa uu ka warbixiyay Dhaqdhaqaayo dowladda kenya ay kawado biyaha Soomaaliya

Waxaana uu sheegay in maraakiib dagaal ay soo dhoobtay biyaha ay iyadu muranka galisay ee Soomaaliya oo dhawaan la filayo in go,aan ay kasoo sarto maxkamada cadaalada adduunka ee ICJ

Xildhibaan ayaa waxa uu sheegay in si aad ah looga warqabo tilaabooyinka ay qaadeyso kuwaasi oo uu sheegay in ay rabto in ay ku diido goaanka maxkamada Icj

Arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili 12 ka biashaan October lasugayo in maxkamada Cadaalada adduunka ICJ ay ku dhawaaqdo go,aankeeda kiiska dacwada muranka badda ee Soomaaliya iyo kenya oo la horgeeyay islamarkaasna ay kenya goor dambe iskaga baxaday oo ay diiday ka qeyb galkiisa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here