Wararka aan ka helayno Deegaanada Puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay Magaalada Garoowe lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka gaar ah Puntland PMPF
Sarkaalkaan la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray bootaan maxamed bootan
Waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada dhalinyarada ah ee ugu firfircoon
Wararka ayaa sheegaya in dilka marxuunka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhex galay ninka dilka u geystay oo gacanta lagu dhigay
Waxaana la sheegay in haatan ninka dilka geystay wax laga weydinayo wax ku kalifay ama keenay in uu dilka sarkaalkaan ka tirsanaa Ciidanka dharcada Puntland
Dilka Sarkaal ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maalmaha ka hor ciidanka ilaalada madaxweynaha Puntland ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayna ku dhimatay rasaastaas gabar dhalinyaro ah

