Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal muddo saacado ah qaatay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda saakay ka dhacay isgooska banaadir ee muqdisho
Dagalkaan ayaa waxa uu ahaa mid culus oo udheexyay ciidamo milatari ah iyo kuwa boolis ah oo ka wada tirsanaa ciidamada dowladda,labada ciidan ayaa isku heystay dhul la sheegay in la doonayay in la dhiso.
khasaare kala duwan oo iskugu jiray mid nafeed iyo mid hantiyadeed ayaana ka dhashay dagaalkaani
inta la xaqiijyay waxa dagaalkaan ku dhaawacmay sadax qofood oo uu ku jiray taliyihii ciidanka sida gaar ah utabaan ee ciidanka booliska haramcad Cabdixamiid Cabdullahi Fanax
waxa kaloo jira khasaaro handiyadeed oo soo gaaray dadka shacabka ah ee isticmaalayay wadda iyadoona la arkayay gadiid ay rasas faba badan ku dhacday sida moota bajaj iyo kuwa kale
Afhayeenka ciidanka booliska gobolka banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaalkaan iyo waxa sababay
waxaana uu sheegay in uu dagaalkaan ahaa mid u dhexyay laba maleeshiyo beeleed oo ay kusoo bexeen ciidamaada booliska isagoo intaasi ku daray in kiiska dhulka ay gacanta ku heyso maxkamada gobolka banaadir
haatan waa uu joogsatay dagaalku waxaana goobta isku gadaamay ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan dowladda kuwaasi oo xiray dhamaan waddooyinka soo gala dhulka laisku heysto

