Gacan Ka hadalka iyo Buuq Xoogan Oo Hor istaagay Doorshadii Maanta Ka Dhici Laheyd jowhar

0

Buuq fara badan iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay kalfadhigii maanta ee xildhibaanada barlamaanka hirshabeele ay ku dooran lahaayeen ku raaska mid ah 8 kursi ee aqalka sare barlamaanka soomaaliya uu ku leedahay maamulka hirshabeele

Wararka aan ka helayno magaalada jowhar ee xarunta maamulka hirshabeele ayaa waxa ay kusoo waramayaan in hoolka doorashada hirshabeele maanta uu ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo ay sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada hirshabeele

jirdil xoogan ayaana la sheegay in loo geystay guddoomiye ku xigeen barlamaanka hirshabeele oo la timaamay in xildhibaano careysan ay falkaasi ku kaceen

Gacan ka hadalka ayaa sal ku yahay doorshada laba kursi oo maanta la filayay in ay ka bilaabato magaalada howhar

kuraastaan ayaana waxa la sheegay in aad lasikugu heysto islamarkaasna dhowr jeer dib loo dhigay

maanta ayaa galinka dalmbe lagu waday in doorashadooda la qabto balse buuq iyo gacan ka hadal ayaa ka dhacay halkii ay doorashadu ka dhici laheyd taasi oo muujinaysa sida aysan suurtagal ua heyn in maanta la qabto doorshada labadaan kursi

wali si rasmi ah maamulka uma shaacin in dib ay maanta u dhacday doorshada balse rabshadaan ayaa waxa la sheegay in ay sababi karto in doorshada maamulka hirshabeele ee kuraasta ka harsan aan maanta la qaban

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here