Khilaafka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bananka is keenay kadib markii Ra’iisul wasaaruhu Jawaab Cad ka bixiyay wareegto Uu soo saaray madaxweyne Farmaajo taasi oo lagu yareenayay awooda Xukuumadda Islamarkaasna wareegtadaasi lagu sheegay in Xukuumaddu aysan galikarin wax heshiis ah iyo isafgarad sameynaya mustaqbal Dalka
Siyaabo kala duwan ayaa loo fasiray jawaabta Ra’iisul Wasaaraha iyo Wareegtada madaxweynaha
Aan ku homaree ujeedka wareegtada kasoo baxay madaxweyne farmaajo ayaa dadka siyaasada udhuub duleela waxa ay ku fasireen in ay tahay in uu ogaa safarka wafdiga ka imaanaya kenya oo madaxweyne Farmaajo uu horay xiriirka ugu jaray islamarkaasna uusan doonayn in dib uu usoo noqdo xiriirkaasi
Waa mida labaadi in madaxweyne Farmaajo uu arkay dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan soo celinta xiriiirka wadamada caalamaka iyadoona la rumeysanyahay in si aad ah uu arintaasi u dhibsaday madaxweynahu
Walow aysan jirin Sabab cad oo madaxweynahu ku sheegay in uu u cuskaday soo saarida digteetadiisa
Waxaana siyaasiyiinta qaar ay qabaan in madaxweyne farmaajo olaliisa doorashada ay qeyb ka tahay Arinta khilaafka Dowladda kenya Hadii xiriirkii Caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo kenya lasoo celiyana ay dhibaato ku noqonayso rajadiisa ah in markale uu kusoo noqdo qabashada xilka madaxweynaha
Dhanka Raiisul Wasaare Rooble iyo Jawaabtiisa waxa loo fasiray hadii aynu eegnana
Inta badan siyaasiyiinta Dalka ayaa qaba in Ra’iisul Wasaaru ku saxnaa Go,aanka uu qaatay islamarkaasna loo baahnaa in mar hore uu madaxweynaha mudda xileedkuusu dhamaaday uu u cadeyo in awood Ra’iisul Wasaare uusan La wareegin balse isagu uu yahay Xilgaarsiiye siiye wadaya Howlaha astuuriga ah ee dalka
Aan u daadago dulucda warbixintayda oo aheyd muxuu salka kuhayaa khilaafka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo
Waxaana uu khilaafkaan yahay mid salka kuhaya Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo kenya oo horay loso celiyay balse aan si dhab ah heshiis muuqda looga gaarin arimaha jira Ee xalinta u baahan
Arinta aad loo wada sugayo oo wax walba ay ku kala cadaan doonaan ayaa waxa ay tahay marka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu tago magaalada Nairobi Caasimada kenya oo casuumaad Rasmi ah uu ka helay madaxweyne kenya
Waxaana la aaminsanyahay in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ay si rasmi ah iskaga hor imaanayaan hadii Rooble uu Dowladda kenya la gaaro heshiis lagu soo celinya ganacsiga iyo qaadka kenya oo la joojiyay
Madheera waqtiga uu Ra’iisul wasaaruhu ubaqoolayo kenya oo waa talaadada soo socta iyadoo kaliya ay ka harsantahay Hal maalin
Su,aasha lais weydiinayo ayaa waxa ay tahay Ra’iisul Wasaare Rooble mailaawi doonaa Abaalkii uu u galay madaxweyne Farmaajo kaas oo uu ugu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha oo waxa qaadi doonaa Talaabo ay ku kala dhimanayaan Farmaajo Taas oo ah in heshiis la dhinacmaray Madaxweyne Farmaajo Uu La Saxiixdo Madaxweynaha kenya

