Wararka Naga Soo Gaaraya Gobolka Sool Ayaa Waxa ay kusoo waramayaan in Maleeshiyaad hubeysan ay xalay dad Shacab ah ka afduubteen Deegaan ka tirsan Gobolka Sool
Dableey Hubeysan Ayaa la sheeegay in degaanka Carrooley ee Gobolka Sool ay ka wateen dad rayid ah oo an Waxba galabsan ,iyadoona aan la ogeyn sababta loo afduubtay iyo halka lala aadayba
Arintaan ayaa waxa la sheegay in ay la xariirto xurguftanka u dhexaya dadka kasoo kala jeeda maamula puntland iyo soomaaliland wararka ayaana sheegay in dadka la afduubtay ay kasoo jeedeen dhinaca soomaaliland gaa haana magaalooyinka Burco iyo Berbera ee deegaanada Somaliland.
warar qaar oo aan helnay ayaa tibaaxaya in afduubkaan uu la xariiro nin lagu magacaabo abdikarin ali nur oo lagu xiray deegaanada soomaaliland kadib markii uu eedeeyn ka joojin waayay siada la sheegay mamaulka soomaaliland
iyadoona haatan la tilmamay in maleeshiyaad ku heyb ah ninkaasi la xiray ay xalay dadka shacab ka ah ee kasoo jeeda soomaaliland ka afduubteen gobolka sool
warar ayaaana tibaaxaya in cabdikariin oo lagu xiray deegaanada soomaaliland oo ku dhashay gobolka sool balse dhawaan ay xabsiga u taxaabeen ciidamada booliska soomaaliland kadib markii uu dhaliil u jeediyay maamulka soomaaliland
maamulada soomaaliland iyo puntland ayaa kala maamula deegaanada dhaca gobolka sool iyadoona qeyb qeyb u kala heysta islamarkaasna dhowr jeer ku dagaalamay kadib markii xiisad ay soo kala dhexgashay

