Magaalooyinka Waaweyn ee ku yaal ku ka dowlad deegaanka soomaalida ethoobiya ayaa waxa maanta ka soconaya banan baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo maleeshiyaad ka tirsan canfarta oo shalay dad shacab ah ku laayay deegaan ka tirsan dhulka dowlad deegaanka soomaalida.
Goobaha ay Banan baxayadu saakay ka bilowdeen waxaa ka mid ah magaalada jigjiga ee caasimada u ah dhulka dowlad deegaanka soomaalida
Waxaana Wadooyinka waaweyn ee magaalada jigjiga iskugu soo baxay Dad shacab ah oo u badan haween iyo caruur kuwaas oo muujinayay shucuurtooda ku aadan sida ay uga xun yihiin dadkii walaalahooda ahaa ee shalay jahada canfartu ku xasuuqday deegaan garbo-ciise ee ka tirsan gobolka Siti ee dhulka Dowlad deegaanka
Sidookale banan baxayadaan ka bilowday magaalada jigjiga waxaa lagu taageerayay ciidamada dowlad deegaanka loo la geeyay qeybo kamid ah deegaanka shalay ay mashaqadu ka dhacday
waxaana ay dadka banan baxa dhigayay ay wateen boorar waawweyn oo ay kusoo qorteen erayo ay ku muujinayaan in hiil iyo hooba ay la garabtaaganyihiin dadkii shacabka ahaa ee ay weerarka xoogan ku xasuuqday jabhada canfartu

