Xukuumada Soomaaliya Oo War kasoo Saartay Dib Udhaca Ku Yimid Doorashada Aqalka Sare

0
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare.
Madaxda ayaa isla qaatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS.
Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo dagaalamayaasha Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin.

warka kasoo xukuumada soomaaliya ayaa waxa ay imaanayaan xili 25 bishaan oo shalay ku beegnayd loo balansanaa in si rasmi ah ay u bilaabato doorashada sanetarada aqalka sare iyadoona wali ay jiraan dadaalo loogu jiro qabashada doorashadaan oo ay wado xukuumada uu hogaamiyo raiisul wasaare rooble

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here