Madaxweynayaashii Hore Ee Dalka Oo Looga Digay In Ay Colaad Ka Huriyaan Gobolka Hiiraan

0

Xili dhawaan madaxweynayaashii hore ee dalka  xasan shikh maxamuud iyo shariif sheikh axmed ay ku dhawaaqeen in ay xalinyaan tabashooyinka ka jira deegaanada hirshabeele ayaa waxa warkasoo kasoo horjeestay oo gaashaanka u daruuray odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan

Si  gaar ah madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa sheegay in ay xalinyaan khilaafka ka taagan gobolka hiiraan kaas oo ka dhashay doorashii uu kusoo baxay madaxweyne cali

Iyagoona xasan Sheikh maxamuud iyo sheikh shariif ay horay usheegeen in ay dhawaan tagi doonaan magalaada baladweyne si ay usoo afjaraan khilaafkaasi ragaadiyay howlaha maamulka hirshabeele

Nabadoonka maxamed yacquub isxaaq oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu si adag ugu hadlay hadalka kasoo yeeray madaxweynayaashii hore ee dalka

Waxaana uu sheegay in aysan  gobolka hiiraan ka jirin khilaafaad waaweyn balse  ay jiraan tabashooyin yar yar oo ay ku filanyihiin in ay xalistaan dadka heer hirshabeele

Nabadoonka ayaa ku eedeeyay in madaxweynayaashu ay dano siyaasadeed ka leeyihiin deegaanada hirshabeele islamarkaasna ay ku gabanayaan in khilaaf uu ka jiro  gobolka hiiraan

Cod 1

Nabdoonka maxamed yacquub isxaaq  ayaa ugu dambeeyn  madaxweynayaashii hore ee dalka  ugu baaqay in qorshaha ay ku imaanayaan magaalada baladweyne uusan noqon mid dhiibaato u horseeya dadka ku dhaqan gobolka hiiraan islamarkaasn ay ka fiirsadaan hadalada ay ku dhawaaqayaan

Cod2

Madaxweynayaashii hore ee dalka xasan sheikh iyo shikh shariif ayaa dhawaan bilaabay socdaal ay ku deegaanada mamaulka hirshabeele kaasi oo u muqqday in uu yahay olalahooda doorashada

Iyagoona socdaal ku datay degmada cadale kadib sheegay in ay maalmalaha soo socda bilaabi doonan dadaalo ay ku dhaxdhaxaadinayaan tabashooyinka ka jira gobolka hiiraan

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here