Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya ayaa maanta kuso wajahan magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.
Wafdigaan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo ka kooban saddex xubnood ayaa maanta la filayaa in ay garaanmagaalada Kismaayo, iyadoona socdaalka waftigaan la sheegay in uu qeyb ka ah dardargalinta qabsoomidda doorashada baarlamaanka Aqalka sare ee dhawaan la filaayo in ay ka bilaabato dalka gaar ahaan jubaland
magaalada kislamaayo ayaa waxa lagu wadaan in saacadaha soo socda ay ka dhacdo doorashada senetarada aqalka sare ku matalaya maamulka jubbaland
Waxaana safarka guddiga dadban ee doorashooyinka ayaa la tilmamaay in uu ku qotomo in ay indho indhaeyn iyo korjoogteyn ay kusameeynayaan siday ay u dhaceyso doorashadaasi iyo qaabka ay u dhacayso.
Guddiga Doorashooyinka ayaa laga dhursugayaan in dalka ay ka qabtaan doorasho xor iyo xalal ah iyadoona haatan la joogo waqtigii lagu balamay in ay bilowdaan doorashooyinkaasi la filayo in dalka ay ka dhacaan

