Masuuliyiinta Amniga Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Wada Hadlay Dagaal Dhanka Ah Al-Shabaab

0

Masuuliyiinta ugu sareysa dhinaca amniga maamulada puntland iyo galmudug ayaa waxa ay kulan xasaasi ah ka yeesheen dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha al-shabaab

Wasiirka amniga galmudug iyo wasiirka amniga puntland oo kulankaan iyagu yeeshay ayaa waxa ay ka hadleen howlgalada socda ee dhanka amniga iyo dagaalka lagu la jiro al-shabaab ,waxaana labada masuul ay ka heshiiyeen in si wadajir ah laiskaga kaashado dagaalka ka dhanka ah al-shabaab

Wasiirka amniga maamulka puntland cabdisamad maxamed galan ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in si aad ay u taageerayaan dagaalka lagu la jiro al-shabaab ,waxaana uu sheegay in loo baahanayahy in loomidoobo dagaalkaasi  isagoo intaasi ku daray in uu soo dhaweynayo iskaashiga galmudug iyo puntland ee dhinaca la dagaalanka alshabaab

wasiirka amniga maamulka galmudug Axmed macalin fiqi ayaa waxa uu isaguna sheegay in uu ku faraxsanyahay in labada dhinac ay gaaraan heshiis loo hortagayo al-shabaab oo dagaalo ka bilaabay koonfurta gobolka mudug

waxaana uu sheegay in ay dhankooda diyaar u yihiin in ay soo dhaweyaan cid kasta oo garab ku siineysa dagaalkaan ka dhanka ah alshabaab isagoona sheegay in iskaashiaga labada dhinac uu wax badan ka tarayo dagaalka ka dhan ka ah al-shabaab

Tani ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili maamulka puntland uu dhamaadkii  Todobaadkii hore maamulka galmudug ku wareejiyay raashin iyo shadaal uu ku taageerayo ciidamaad dowladda iyo kuwa maamulka galmudug ee koonfurta gobolka mudug kula dagaaalamaya  al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here