Warar naga soo gaaraya degmada shibis ee Gobolkani Banaadir ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maantay guri ku yaal gudaha degmada shibis in laga helay meydka qof rag ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka
Warar ayaa sheegay in qaar kamid ah dad ka ag dhawa guriga ay dareemeen ur farabadan taasina ay keentay in ay guriga galaan ,waxaana ay ka heleen oo ay ku arkeen meydka qofkaan shacabka ah oo goobta yaala
Ciidamo ka tirsan dowladda iyo masuuliyiinta maamulka degmada shibis ayaa gaaray guriga dhacdadaan lagu arkay ,waxaana haatan la sheegay in baaritaan lagu hayo si ay ku dhacday arintaani
Wal wal xoogan ayaa soo foodsaaray dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada shibis iyagoo si aad ah uga argagaxay meyd lag helay guriga
Dhankale waxa la filayaa in laamaha amniga dowladda ay baaritaan kadib in warbaahinta ay usoo bandhigo qaabka uu u dhacay falkaani

