Maamulka Puntland Oo Saakay Toogtay Xubnihii Ugu Badnaa Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

0

Waxaa maanta oo Axad ah lagu toogtay degaanada Puntland 21 xubnood oo horay ugu tirsanaa dagaalamayaasha  Al-shabaab.

Xubnahan oo dhammaantood rag ahaa ayaa isugu jiray amiirro iyo xubno  dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Waxaa  sidoo kale magaalada Garoowe isla saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab,  halka magaalada Qardhana lagu toogtay hal xubin oo Al-Shabaab ahaa.

Maamulka Puntland ayaa wacad ku maray in caddaaladda la marsiindoono Qof kasta ee kamid ah al-shabaab ama falal amidaro ka geeysta gobolka mudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here