Ciidamada dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgaqlo waxa ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Howgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka kasameeyeen Degaano katirsan Gobolka shabeelaha hoose
waxaana saaraakiisha ciidanka dowladdu howlgalkaan ujeedkiisa ku sheegeen in uu ahaa xaqiijinta Amniga iyo kahortaga weerarada al-shabaab ay ka fuliyaan deegaanada dhaca shabeelaha hoose
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay Ururka 4-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Danab iyo Ururka 64-aad Guutada 7-aad Qeybta 60-aad Xoogga Dalka Ciidanka iyadoona ka fuliyay Howlgalka Degaano ay kamid yihiin Yaqdhuubo,Dibilay,Bocoray,Hakow Balow
Warta macalin shabax, bay nanay, caliyow baarow, iyo warta ciise, oo katirsan Gobolka Shabeelaha hoose.
Intii Howlgalka uu socday Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay ukuurgaleen xaalada nololeed ee haysta dadka degaanada ay Howlgalka kawadeen
Saraakiisha ayaana sheegay in ay howlgaladaan sii wadi doonan tan iyo inta ay al-shabaab kaga adkaanayaan in ay ka saaraan deegaanada gobolka shabeelaha hoose

