Wararka naga soo gaaraya degmada wadajir ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda faderaalka soomaaliya
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in askariga ay ku toogteen gudaha degmada wada jir ee gobolkani banaadir
Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay maxamed cali yarimi ayaa waxa uu ka mid ahaa ciidamada dowladda ee lagu soo tababaray dalka turkiga
Waxaana la tilmaamay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen ragii dilkaasi ka dambeeyay
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray halka lagu dilay askari iyagoona goobta ka qaaday meydka askari islamrkaasna u qaaday xarunta dambi barista ee CID
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliska degmada wadajir ay muddo kooban sameeyeen howlgalo iyo baaritaano ay ku baadigoobayaan kooxdii ka dambeeysay dilka askariga ka tirsanaa ciidanka dowladda
Majirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada dil askarigaan ka tirsanaa ciidamada dowladda ee lagu dilay gudaha degmada wadajir
Dagaalamayaasha Al-shabaab oo iyagudagaal kula jira dowladda ayaa inta badan dilal u geysta masuuliyiinta iyo askarta dowladda
Waxaana dhowr jeer ooh ore ay dhabarka uriteen masuuliyada dilaal loo geystay askar ka tirsanayd ciidamada dowladda

