Warar ka duwan ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan ciidamada dowladda oo saacadihiin aan kasoo gudubnay lagu dilay xaafada ka tirsan degmada wada jir ee gobolkani banaadir
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay askargaan ku tuugteen xaafada seybiyaano gaar ahaana dhanka degmada wadajir ,waxaana la tilmaamay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen ragii dilka geystay
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka askarigaan ka tirsanaa ciidanka dowladda ,waxaana ay sheegeen in rag ka tirsan ay hab qorsheysan u dileen askarigaasi
al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in askari katirsan kuwa minishiibiyada dowladdsa ay ku dileen xaafada seybiyaano
al-shabaab ayaa intaasi ku daray in askariga ay dileen ay ka furteen qori uu watay
wali majirto wax wara oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo dilka saakay loo geeystay askarigaan ka tirsanaa ciidanka dowladda

