Ciidamada Puntland Oo Howlgalo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Buuraleeyda Gobolka Bari

0

Ciidamada maamulka puntland ee sida gaar ka ah utababaran ee PMPF  ayaa saacadiihii lasoo dhaafay waxa ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka bari

Howlgaladaan ayaa waxa lagu sheegay in uu ahaa howlgalo ka dhan ah dagaalamayasha al-shabaab islamrkaasna ciidamada puntland ay si gaar ah uga fuliyeed deegaanada dhaca buuraleyda calmiskaad ee gobolka bari

Ciidamada maamulka puntland ayaa waxa ay sheegeen in inta howlgalka ay ku guda jireen  ay usuuragashay in ay gacanta ku dhigaan saldhig dagaalamayaasha al-shabaab la sheegay in ay ku lahaayeen buurta barida eek a tirsan gobolka bari

Sidookale waxa la sheegay in howlgalka lagu soo qabtay , Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Dowladda Puntland ee PMPF ka qabteen ay sheegeen in ay ka qabsadeen  Al-Shabaab,kadib  hawlgalkaasi  ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Saraakiisha  ciidamada mamaulka puntland ee howlgalkaan hogaaminayay ayaa dadka shacabka ah ku booriyay in ay la shaqeyaan ciidamada islamarkaasna ay la wadaagaan waxkasta oo qalqal amni keenikara

Waxaana ay saraakiishu intaasi ku dareen in ciidamada maamulka puntland ay mar walba heegan u yihiin in ay ka hortagaan weerarada ay dagaalamayaasha al-shabaab ka geeystaan deegaanada puntland

Iyagoona dadka shacabka ugu baaqay in ay xogti ay helaan ay lawadaagaan ciidanka si amniga loo xaqiijiyo

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shabaab oo looga hadlayo howlgalkaan ay ciidamada puntland sheegeen in ay ku qabsadeen saldhig talis ah oo ay lahaayeen al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here