Ciidamo ka tirsan kuwa mamaulka jubbaland ayaa xalay waxa ay xaafadaha magaalada kismaayo ka sameeyeen howlgalo kadib weerar qaraxyo ah oo xalay hakaasi ka dhacay
Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay s wadajir ah u fuliyeen ciidamada nabad sugida jubbaland iyo kuwa booliska ah
Waxaana howlgaladaan ay yimaaadeen kadib markii xalay rag hubeysan ay bam gacmeed ku weerareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska maamulka jubbaland oo ku sugnaa isgooska soomaali star ee magaalada kismaayo
Ciidamada howlgalka sameeynayay ayaa waxa la sheegay in guri guri ay u baarayeen xaafadaha ay ka koobantahay magaalada kismaayo
Waxaana ay sheegeen in ay baadigoobayaan rag ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab oo weerar bambaanooyin ah ka fuliyay kismaayo
Inta uu howlgalku socday ciidamada ayaa la arkayay iga oo baaritaano ku sameeynaya dhalinyarada islamarkaasna su,aalo weydiinaya halka ku qaarna ay ciidanku ka xeysanayeen.
Waxaana la sheegay in wali ay howlgaladu socdaan islamarkaasna baaritaano dheeriya lagu sameenayo dadkii lagu soo qabqabtay howlgaladaasi.
Saraakiisha ciidamada ee hogaaminayay ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii xalay dad shacab ah oo ilaa 4 qofood gaarayay ay ku waxyeeloobeen ayna doonayaan in ay gacanta kusoo dhigaan ragii ka dambeeyay weerarkaasi

