Al-Shabaab Oo Weerar Khasaare Geystay Ka Fuliyay Duleedka Beydhabo

0

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan geeystay oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Baydhabo ee gobolka bay

Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid xoogan  oo lagu qaaday saldhig ciidamada maamulka koonfur galbeed ay ku lahaayeen  duleedka magaalada beydhabo

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin Karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi

Waxaana lagu soo waramayaa in khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay ee kaan ka dhacay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada  maamulka koonfur galbeed

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka lala beegsaday ciidamada maamulka koonfur galbeed ,waxaana ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyiin ciidamadaasi

Al-shabaab ay barahooda dhinaca interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in weerar kaasi ay qaadeen xubno ka tirsan islamarkaasna waxa ay sheegeen in ay ku dileen  Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta mamaulka koonfur galbeed

Sidookalena al-shabaab ay sheegeen in weerarkaas ku  qabsadeen afar qori oo  noocdu yahay  AK47.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli al-shabaab ay guulo ka sheegteen weerar qarax ay ka fuliyeen  degmada Jannaale shabeelada hoose kaasi oo ay sheegeen in ay ku dhaawaceen  Saddex askari   dowlada federaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here