warar naga soo gaaraya gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maantay banan baxayo waaweyn ay ka socdaan magaalada jowhar bananbaxyadaasi oo looga soo horjeedo dil qof shacab ah saakay loogu geeystay gudaha magaaladaasi jowhar
banan baxayadaan ayaa waxa ay yimadeen kadib markii askari ka tirsan ciidamada booliska haramcad ee jowhar toogtay qof shacab ah oo muran uusoo kala dhex galay
dadka isku soobaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqay erayo ay ku muujinayaan si ay uga xunyihiin dilkaas ,waxaana ay sheegeen in ay ubaahanyihin in askarigaas cadaalada la horgeeyo
dad joobjooga yaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in banan baxyadaan ay dhigayaan dad shacab ah ,waxaa ay ku hadaaqayaan erayo ay uga soo hor jeedaan filka uu sameeyay askariga dowladda
wararka ayaana sheegaya in daqiiqadba daqiida ka dambeeysa ay sii kordhayaan banan baxayadu islamarkaasna ay yihiin kuwa rabshada wata

