Maleeshiyaad Hubeysan Oo Dad Isku Qoys Ah Ku Dilay Duleedka Balanbale

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya maleeshiyaad hubeysan oo xalay dad dhacabk ah ku laaayay deegaan duleedka ka ah degmada balanbale ee gobolka galgaduud

Falkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii maleeshiyaad hab beeleed u abaabulan ay weerar ku qaadeen guri dad shacab ah dagnaayeen oo ku yaalay deegaanka garasle oo hostaga degmada balabale

Wararka ayaana sheegaya in maleeshiyaad ku ay halkaasi ku dileen 3 qof oo ahaa qoyskii shacabka ahaa ee la weeraray

Sadaxada qof ee la dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen laba wiil oo walaalo ah iyo gabar ay abti u ahaayeen

Wararka ayaana intaasi ku daraya in maleeshiyada dilka geysatay ay deegaan ahaan kasoo geedaan degmada  guriceel ee isla gobolka galgaduud

Dhandadaan argagaxaleh ayaa waxa ay imaanaysa haneen ka hor fal noocaani oo kala ah uu ka dhacay deegaanka ka xeraale markaasi oo maleeshiyaad hubeysan ay weerareen dad shacab ah islamarkaasna ay dileen hal nin 8 kale ay dhaawaceen

Inta badan deegaanada dhaca gobolka galgaduud waxa ka dhaca dilal loo geeysto dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo loo beegsado aan nooyin qabiil

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here