Taliska Booliska Oo Isbadal Ku Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Taliyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed cabdi xasan maxamed xijjaar ayaa isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah Talisyaashii ciimadamada Booliiska Dagmooyinka gobolka Banaadir  isaga oo  magacaabay Taliyaal iyo taliyo  ku xigeenka cusub iyo kuwo isku shaandheyn lagu sameeyay .

  1. Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir waxa uuna badalay Kornal Waaweyne oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarixii ka dhacay saldhiga booliska degmada Waabari.
  2. Farxaan Maxamed ayaa loo magacabay taliyaha Boondheere waxaana lagu badalay Captan ismaacil Sacid.
  3. Yaxye Maxamed Ibrahim oo Loo yaqaano (Yaxye Casuuro) ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Dayniile.
  4. Gaashaanle Macalin Aadan ayaa Loo Magacaabay Taliyaha Boliiska Degmada Dharkenley ee Gobalka Banaadir, waxaana Laga qaaday Saldhiga Degmada C/casiis.
  5. Axmed Bootaan, Taliyaha Saldhigga Wadajir.
  6. Ismaaciil Saciid Jaamac, Taliyaha Saldhigga Waaberi.
  7. Xasan Cabdulle Bashiir, Taliyaha  Saldhigga Cabdicasiis.
    8. Cumar Axmed, Taliye ku-xigeenka Saldhigga Bondheere.
    9. Abuukar Sheekh Aadan, taliye ku-xigeenka Saldhigga Kaxda.
  8. Zakeriye Cabdullahi Taliyaha, Saldhigga Hodan.

Isbadaladaan lagu sameeyay taliyaashaa ciidamada booliska degmoooyinka gobolka banaadir ayaa waxa uu yimid kadib markii qaar ka mid ah taliyasha ciidamada la dilay oo boosaskoodu ay banaanaadeen islamarkaasna loo baahday in isbadal lagu sameeyo taliska ciidanka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here