Mareykanka Oo War kasoo Saaray shirka Muqdisho Uga furmaya Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada

0

Wasaarada Arimaha Dibada Mareykanka ayaa waxa ay fariin adag u dirtay raiisul wasaare maxamed xuseen rooble oo ku aadan in uu si wanaagsan u hogaaminyo shirarka doorashooyinka ee  looga hadlayo

Xafiiska arimaha  afrika  ee wasaarada arimaha dibbada mareykanka ayaa  xukuumada faderaalka soomaaliaya u sheegtay in mareykanku uu taageera buuxda uhayo raiisul wasaaraha islamarkaasna looga fadhiyo in uu horay usocodsiiyo wadahadalada arimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeya hogaamiyaasha dowlad goboleedyada

waxaana mareykanku uu  ugu baaqay madaxda dowladda faderaalka iyo maamul goboleedyada in aan la dayacin fursada shirka wadatashiga arimaha soorashooyinka islamrkaasna si ay tahay looga faaideysto

Hoggaamiyayaasha Soomaaliya waa inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka beeesha caalamka.

inta badan madaxweynayaasha dowlad gobo0oleedyada dalka ayaa maagaalada muqdisho ku sugan ,waxaana ay la filaya in si rasmi ah maanta uu ufurmo shirka udhexeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

madaxweynaha maamulka hirshabeele ayaa wali isagu imaan muqdisho iyadoo la filayo in maanta oo sabti ah uuyimaado shirka si uu uga qeyb galo

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here