Ciidamada Dowladda Oo odayaal Ku Xiray Gobolka Hiiraan

0

 

Wararka aan kahelayno deegaano ka tirsan gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay xabsiga u dhaadhiciyeen odayaasha beelihii ku dagaalamay gobolka hiiraan

Xariga odayaashaan ayaa yimid kadib howlgalo ciidamada amaanka dowladda ay howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada baladweyne ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamid ah odayasha beelaha ku dagaalamaya hiiraan

Sababta loo xiray odayaashaan ayaa waxa lagu sheegay in al-shabaab ay odayaashaan uga yeereen deegaanka buqa qable ee gobolka hiiraan oo ay maamulaan al-shabaab
Waxaana la tilmaamy in odayaasha la xiray ay tiro ahaan gaarayaan ilaa iyo lix oday iyadoona la sheegay in hada ay ku xiranyihiin saldhiga booliiska magaalada baladweyne islamarkaasna su,aalo laga weydiinayo u tagidoodi al-shabaab

 

Arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysa xili horay laamaha amniga dowladda iyo maamulka hirshabeele ay uga digeen in macaamil lala yeeshayo dagaalamayaasha al-shabaab Oo iyagu dagaal kula jira dowladda

 

Lama oga wax al-shabaab ay ugu yeereen odayaashaan balse waxaa xusid mudan in labada beelood ee odayaashaan uu dagaal xoogan ku dhexmaray duleedka magaalada baladweyne islamarkaasna ay waan waan lagu heshiisiinayo beelaas ay ka socotay magaalada baldweyne

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here