Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geeystay Dalka Koonfur Afrika

0

Kooxo burcad koonfur afrikaaan ayaa xalay Muwadin soomaaliyeed ku dilay gudaha dalka koonfur afrika

Muwaaninka la dilay ayaa ka mid ahaa dhalinyarada soomaaliyeed ee ku ganacsatada dalkaasi

Waxaana rag hubeysan ay ku dileen magaalada cape town iyadoona la sheegay in rasaas ay burcadu ku furtay ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa si daasna uu ku geeriyooday

Muwaaninka soomaaliyeed ee ladilay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay c/qaadir cumar cali biyeey

Qaarka mid ah dhaliyarada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi ayaa sheegay in marxuunka uu ahaa nin aad looga yaqaanay magaalada Cape town

Ciidamada booliska koonfur afrika ayaa bilaabay howlgalo kala duwan oo ay ku  aadi goobayaan ragii falkaasi ka dambeeyay mana jirto cid ilaa iyo loo soo qabtay falkaani lagu dilay muwaaninka soomaaliyeed balse  taliska booliska koonfur afrika ayaaa sheegay  in wali ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdada lagu dilay muwaadinka soomaaliyeed

Dilkaan ayaa imaanaya xili todobaankaan gudihiisa dalka koonfur afrika lagu dilay muwaanin badan oo soomaaliyeed

Islamarkaasna ay sii kordhayaan dilal loo geysanayo ganacsatada soomaalida ah ee ku ganacaata dalkaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here