Ciidamada Amniga Dowladda Oo Gacanta Kusoo Dhigay Koox Burcad Ah

0

Ciidamada amaanka dowladda oo howlgalo qorsheysan xalay  ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada yaaqshiid  ayaa gacanta kusoo dhigay   rag hubeysan oo  la sheegay in ay ahayeen burcad kuwaasi oo xilyada habeenkii ah dhac ka geysan jiray xaafadaha ay ka koobantahay degmada yaaqshiid

Ragani burcada ah ayaa waxa la soo qabtay iyaga oo dhac ka geysanaya xaafad ka tirsan  degmada yaaqshiid ee gobolkani banaadir gaar ahaana agaga gaarka waaxda horseed

Taliska ciidanka booliska degmada yaaqshiid  ayaa soo bandhigay ragaan oo sadax gaarayay islamarkaasna  ku hubeysanaa hub kala duwan sida bastoolado iyo midiyo

Taliyaha booliska degmada yaaqshiiq oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalada ay ciidamada sameeyeen iyo waxa uu ku yimid

Waxaana uu sheegay in dad shacabka ah eek u dhaqan degmada yaaqshiid ay cabsho ku aadan ragaan burcada ah usoo gudbiyeen islamarkaasna ciidamada amaanku ay ka jawaabeen oo ay soo qabteen ragan dadka shacabka ah dhibaada ku hayay

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ragaan burcada ku eedeysan ay cadaalada hor geyn  doonan si loo mariyo ciqaabta ay muteysteen

 

Iskusoo wada duuboo tani ayaa waxa ay ksuoo aadeysa xili Muddooyinkii dambe magaalada muqdisho ay kusoo badanayeen kooxa burcada ah ee ka dhaca ugeysanaya xiliyada habeenka dadka shacabka ah kuwaasi oo dadka shacabka ka furta moobilo lacag iyo agabyada kale ee ay wataan

Waxaana xusid mudan in talaabo cajiib ah oo ragaasi burcada ah looga hortago ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee ,muqdisho kuwaaasi oo bilaabay in habeen kii ay xiiraan wadooyinka soo gala xaafadahooda si aan dhac loogu geeysan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here