Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saakay ku dhaqaaqday xukuno lagu riday qaarka mid ah rag loo xiray dilka guddoomiyihii hore ee degmada hodan cabdiraxiin dhaga dhajuun
Taliyihii booliska degmada howlwadaag gaashaanle shuceyb cabdi maxamed oo ka mid ahaa dadkii lagu soo eedeeyay in uu ku luglahaa dilka gudoomiye cabdiraxiin dhaga juun ayaa lagu riday xukun 5 sano oo xabsi ciidan ah
Sidookale askari baxsad ah oo lagu eedeeyay dilka gudoomiyaha ayaa lagu xukumay 5 sano oo cabsi ciidan
Waxaana ugu dambeyn maxkamadu ay cadeysay in dilka gudoomihii hore degmda hodan dhaga juun uu ahaa mid shil ah oo ku dhacay si aan kas aheyn.
Bishii janaayo ee horaantii sanadkaan 2021 ayaa waxa gudoomihii degmada hodan cabdiraxiin dhaga juun ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dileen agagaarka isgooska howlwadaag
Waxaana in muddo ah socotay maxkamadeynta dadka loo heysto dilka oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay maantay oo talaado ah shaacisay

