Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Khamri La Doonayay In la Galiyo Boosaaso

0

Ciidamada amaanka magaalda boosaaso ayaa saakay waxa ay qabteen qamri fara badan oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu galiyo magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga puntland

khamrigaan oo lagu soo qariyay kartoonada saliida si aan looga shakin ayaa waxa lagu qabtay barkoontarool oo ka mid ah goobaha laga soo galo magaalada ,waxaana la sheegay in dadka doonayay in qamriga ay galiyaan ay ahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa puntland

balse waxa la tilmaamay in ciidamada koontaroolka oo xiligaasi heegan ku jiray ay gacnta ku dhigeen qabrigaasi iyo dadkii waday ee doonayay in magaalada boosaaso galiyaan

ciidamada amaanka maagalada boosaaso ayaa dhowr jeer qabtay qamri iyo wax yaabaha maanka dooriya oo ay howlgalo kusoo qabteen kuwaasi oo goob fagaaro ah lagu gubay

maamulka puntland ayaana dagniin culus u diray dadka ku howlan in deegaanada puntland ay soo galiyaan maandooriyaha

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here