Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal amni xaqiijin ah kasameeyay degaano hoosyimaado magaalada jowhar ee xarunta doowlada goboleed hirshabeele.
Ujeedka howgalka ayaa baacsiga burcad dhibaato kuheeysay shacabka kudhaqan degaanadaasi hoosyimaado magaalada jowhar waxeeyna gacanta kusoo dhigeen qaar kamdi ah burcadii ay baadi goobayeen.
Howlgalka oo ay sameeyeen Guutada 3-aad Qeybta 27-aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxeey kasameeyeen degaanada caliwarabey, gumarey, morajido, gololeymobley, sarsare cadaga, madaxgise, oo hoosyimaado magaalada Jowhar.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay abaanduulaha Guutada 3-aad Gaashaanle Xuseen Fagaaso iyo Taliyaha Howlgalinta Guutada Dhamme Ismaaciil Kuuloow Tuure,waxeey Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen inay kuguuleeysteen inay ciribtiraan burcadii dhibaatada kuhayay shacabka kudhaqan degaanadaasi hoostaga magaalada jowhar ee gobolka shabeelah dhexe.

