Golaha Shacabka Oo Maanta kulan Xasaasi ah Yeelanaya iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Hortagaya

0

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya  kulan xasaasi ah oo baqdin xoogan laga muujiyay

Kulan maanta ee xildhibaanada ayaa waxa la filayaa in lagu go,aamiyay arimo muhiim ah oo kusaabsan doorashada dalka ka dhacaysa waxaana jira baaqyo kala duwan oo loo diray xildhibaanada kaasi oo ku aadan in aan la qaadin go,aan qaldan oo dalka uhorseedi kara qalqal amni

Dhamaan xildhinbaanada ayaa loo diray goor sii horaysay fariin ku aadan in ay kasoo qeyb galaan kulan xildhibaanada golaha shacabka oo maanta aad isha loogu wada hayo

Madaxweyne maxamed cabdulahi farmaajo ayaa kulankaan xildhibaanada ka dalbaday ,waxaana la filaya in saacadaha soo socda uu hortago xildhibaanada

Madaxweynaha ayaa waxa uu xildhibaanada kusoo celinayaan muddo kordhintii loo sameeyay ,waxaana uu horkeenaya xildhibaanada golaha shacabka in ay meel mariyaan in doorasho dalka ay ka dhacdo taasi oo ku qotonta heshiiskii  17 september  2020

Xubnaha musharaxiinra qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay kulanka maanta ,waxaana ay muujiyeen in ay ka baqdin qabaan in marakele xildhibaanada golaha shacabka ay qaadaan go,aan aan la fileen kaasi oo dalka u horseedi kara qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni

Horay xildhibaanada golaha shacabka si lama filaan ah muddo kordhin ugu dhaqaaqay taasi oo dalka galisay dagaal iyo fowdo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here