waxa lagu guuleeystay in heshiis nabadeed la kala dhaxdhigo laba beelood oo dhawaan ku dagaalamayay deegaan ka tirsan degmada caabud waaq ee gobolka galgaduud
heshiiska ayaa waxa uu yimid kadib markii guddiga banadeynta degmada caabudwaaq ay kulan la qaateen odayaasha labada beeloo ,waxaana lagu heshiiyay in magdhaw iyo diyo lakala qaato oo colaada halkaasi lagu soo afjaro
sidookale wasaarada arimaha gudaha maamulka galmudug ayaa goobjoog ka aheyd heshiiska la kala dhaxdhigay beelahaasi oo qodobo dhowr ah oo lagu heshiiyay laga soo saaray
gudoomiyaha guddiga banadeynta oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay heshiiskaan isagoo labada dhinac ugu baaqay in xasiloonada iyo nabada laga shaqeyo
qodonada lagu heshiiayay waxa ka mid ah in beel kamid ah beelaha ay bixiso sadax qofood diyadooda kuwaas oo ku dhintay inta uu dagaalku socday
halkaas beesha kalana lagu amaray in ay bixiyaan laba qofood diyadood oo dagaalka ku dhintay
labada beelood ayaa la faray in diya lagu bixiyo muddo 6 bilood gudohood islamarkaasna la siiyo diya dadka ay ka dhniteen dadku
inta badan deegaanada gobolka galgaduud ayaa waxa ka dhaca dagaalo udhexeya beelaha wada daga halkaasi ,waxaana xusid mudan in maamulka galmudug uu qaaday talaabo looga hortagayo dhiigaasi macnadarada ku daadanaya

