Puntland Oo Maxabiis Burcad Badeednimo Ku Xukuman Ku Wareejinaysa Dowlada Federaalka Ah

0

maamulka puntland ayaa si rasmi ah ogolaaday in maxaabiis burcad badeed loo xukumay oo ay ahayeen ay ku wareejiyaan dowladda dhexe ee dalka

maxaabiistaan oo horay maamulka puntland kusoo galay heeshiis dhaxmaray dhexmaray iyaga iyo jasiirada sychales ,waxaana Heshiiska oo dhacay 21 bishii april 2011 ayaa dhigayay in maxabiistaan ay xukumanyahiin islamarkaasna ay xukunkooda ku dhameystaan xabsida ku yaal deegaanada puntland

intaasi kadib masuuliyiinka xildhibaano ah oo ka tirsan maamulka galmudug ayaa u dhaqaaqay sidii dhalinyaradaas burcad badeednimada ku xukuman xabsiga ay uga soo deyn lahaayeen maadaama maxabiistu ay deegaan ahaan kasoo jeedaan galmudug

masuuliyiinka ka socotay galmudug ayaa horaantii bishaan gaaray magaalada garoowe si maxabiistaas ay usoo furtaan balse maamulka puntland ayaa ka biyadiiday arintaasi ,waxaana ay sheegeen in ay maxabiistaani aysan sii deyn karin inta ay dambiyada ay ku xukumanyihiin ka dhameystaan

kulamadii ay wadeen xildhibaanada maamulka galmudug oo saacado badan qaatay ayaana sidaasi ku guuldareystay iyadoona dhinaca kale ay xildhibaanadu ay u wareegsadeen sidii dowladda ay ugu wareejin lahaayeen maxaabiista

xildhibaanada ayaa markale maamulka puntland kula laabtay war ah  in dowladdu ay aqbashay in ay maxabiista iyadu ay la wareegto

maamulka puntland ayaa si rasmi ah arintaas u aqbalay ,waxaana ay sheegeen in ay dowladda faderaalka ah ku wareejinayaan dhamaan maxabiista ay hayaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here